Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Uganda Oo Ilaalo Gaara U Xilsaartay Sherkadaha Shiinaha Ee Maalgashiga Ka Wada Dalkaas.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kampala) Madaxweynaha Uganda ayaa amray hawlgal ay milatarigu hoggaaminayaan oo lagu ilaalinayo ganacsiyada Shiinaha.

FEA89D87-FB62-4733-9200-C919AC078232.jpe

Arrintan ayaa dabo socota kulan lala yeeshay 120 maalgashade oo Shiinays ah oo sheegay in budhcad hubaysan ay dhacaan shirkadahooda arrintaasina ay aad u soo badanayso, lagana qaatay lacago aad u badan.

Tallaabooyinka uu madaxweyne Yoweri Museveni soo jeediyay waxaa ka mid ah in sare loo qaado ciidammada roondada ku sameeya xarumaha shirkadaha iyo in lagu dhajiyo kameerooyinka ammaanka.

Dalka waxaa si guud ugu soo batay falal dambiyeedyada rabshadaha wata toddobaad yadii u dambeeyayna milatariga ayaa bilaabay in ay ku gaaf wareegaan agagaarka caasimadda, iyadoo ay dawladdu arrintaas ku garab wado samaynta ciidammo deegaanka ah oo cusub.

Dhowaan ayaa koox baangado ku hubeysan waxa ay ka dhaceen xarun ganacsi oo ay dad shiinees ah leeyihiin iyagoo dhaawacay shan ruux oo saddex kamid ah ay ahaayeen dad ka soo jeeda dalka Shiinaha.

Ganacsatada ka soo jeeda dalka Shiinaha ayaa waxa ay ku hanjabeen inay isaga bixi doonaan dalka Uganda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this