Deeq A. Posted November 16, 2018 (SLT-Jabuuti)Muranka dhulka ah ee u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea ayaa isu bedelaya in la isla aado Maxkamada caalamiga ah ee ICJ kadib markii dowlada Jabuuti ay ka codsatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey inay ka taageeraan sidii loo xallin lahaa muran xuduudeedka kala dhaxeeya dalka Eritrea iyo inay dacwo ka furtaan maxkamadda cadliga ee International Court of Justice. Ambassador Maxamed Saciid Ducaale, oo ah safiirka Dowlada Jabuuti ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dalkiisa uu doonayo in xal kama dambeys ah loo helo khilaafka xadka ee kala dhaxeeyo Eritrea iyo in lagu kala baxo qaanuunka dowliga ah. “Djibouti waxaa ay golahu ugu yeertay iyada oo kaashaneysa taageerada xogheyaha guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah, oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda cadilga adduunka ee ICJ” ayuu yiri Ambassador Ducaale. Sida uu qorayo qodobka 33 ee dastuurka UN-ka, waxaa uu ogalaanayaa in dalalka muranka ka dhaxeeyo ay xal iyo qaab nabadeed u raadin karaan xuquuqdooda. Arrimaha Djibouti ku doodeyso waxaa ka mid ahaa milkiyadda Jasiiradda Doumeira iyo 13 askari oo weli lagu la’yahay gacanta Eritrea. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaaday cunoqabataynta hubka dowlada Eritrea isla markaana dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea ay isbahaysi gaar ah ka sameynayaan geeska Afrika. Source Share this post Link to post Share on other sites