Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirada Arrimaha Debadda Dalalka Kenya Iyo Soomaliya Oo Kulan Yeeshay .

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)Wasiirada  Arrimaha Dibadda  ee Dalalka KENYA iyo Soomaliya ayaa kulan yeeshay.

EAFB6B0C-C38A-4B47-AD11-808A9114A219.jpe

Kulankan oo ahaa mid dhinac socda Shirka gaarka ah ee 20aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa.

Intii kulanku socday oo ahaa mid soo dhaweyn diirran uu Wasiir Cawad kala kulmay dhiggiisa Kenya ayaa labada dhinacba waxa ay muujiyeen rajo wanaagga wadahadalka dhexmaray.

Labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda uu leeyahay kulankooda oo diirrada lagu saarray xoojinta xidhiidhka  laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo dhinac kastaba leh, iyada oo loo sii marayo Guddiga Iskaashiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Kenya, si la mid ah waxaa fadhiggaasi lagu faaqiday arrimaha ammaanka iyo nabadgelyada Geeska Afrika iyo howlgalada AMISOM.

Kenya ayaa kamid ah waddamada ay ciidamadu ka joogaan Dalkaasi Soomaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this