Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo dhex-maray ciidanka DFS iyo AlShabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo saacado qaatay kaasi oo ciidamo ka tirsan dowlada oo ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray degaanka Goolagoole oo qiyaastii 80 KM ujira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaarey dhinacyadda dagaalamay xili dhimashada ay gaarsiiyeen saddex, iyaga oo dhaawaca ku tilmaamay inay gaareyso afar kale.

Wararka ayaa intaas u daraya in ciidanka dowladda ay dagaalka ku qabsadeen tuulooyin horleh oo gobolka ka tirsan, kuwaasi oo ay horey sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo dhankooda lasoo warinayo inay haatan wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay Aagaasi ka sameynayaan.

Dagaalkaan ayaa wuxuu kusoo aadaya xili mudooyinka dambe ay saraakiisha ciidamada xooga dalka ee ku sugan degaanka maamul goboleedka Galmudug ay ku cel-celinayaan inay qaadi doonan guluf balaaran, kaasi oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan tuulooyinka ay joogaan gobolka.

The post Dagaal culus oo dhex-maray ciidanka DFS iyo AlShabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this