Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo lagu xalinayo xiisad beeleed oo ka socda Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wafuud kala duwan oo isugu jirta Odayaal dhaqameed, Siyaasiyiin iyo madaxda maamulka Galmudug ayaa gaarey degaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Ujeedka ayaa lagu sheegay si ay uga qaybgalayaan kulamo la doonayo in xal loogu raadiyo xiisad beeleed ka oloolsan tuulooyin ku dhow degmada Balanbale ee gobolka, taasi oo udhaxaysa Beelo walaalo ah.

Xiisada ayaa waxay sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah, waxaana loogu baaqay inay joojiyaan dagaalada, xili ay socdaan dadaalo la doonayo in gabi ahaanba lagu soo afjaro.

Waan-waanta haatan socoto ayaa waxaa la rajaynayaa inay kasoo baxaan qodobo miradhal ah oo soo gabagabayn kara xiisadda taagan taasi oo ay ku baxeen daminteeda dhinacyo kala duwan, oo madaxda Galmudug ay ku jiraan.

The post Kulamo lagu xalinayo xiisad beeleed oo ka socda Galgaduud appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this