Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay bartamaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in shil gaari oo khasaaro geystay uu ka dhacay inta udhaxeysa degmooyinka Guriceel iyo Balanbale.

Gaariga shilka galay oo rog-maday ayay wararku intaas ku darayaan inay saarnaayeen Odayaal dhaqameedyo, kuwaasi oo kusii  jeeda degmada Balanbale si ay ugu biiraan waan-waan lagu xalinayo xiisad beeleed halkaasi ka taagan.

Lama soo warin hadii ay jirto dhimasho, balse, inta la xaqiijiyay afar Odayaal ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi loo qaaday Isbitaalo ku yaala magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, si loogu soo daaweeyo.

Ma cadda sababta keentay shilkaan gaari, hasa yeeshee, dhacdooyinka noocaan ah ee laga soo wariyo gobolkada dalka Soomaaliya waxaa keena gawaarida oo si xowli ah loo kaxeeyo iyo burburka wadooyinka.

Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Cali.mp3

The post Shil khasaaro geystay oo ka dhacay bartamaha Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this