Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay dagaal Ciidamada dowladda guulo ka gaareen oo dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo saacado badan socday uu ka dhacay gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday xalay Saq dhexe, waxaana la isla gaaray waaberigii saaka, iyadoo ugu dambeyn ciidamada dowladda ay deegaano cusub ka saareen ciidamada Al Shabaab, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Ciidamada Meletariga iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya ayaa deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Guriceel kula dagaalamay ciidamada Al Shabaab, waxayna ka saareen tuulooyin dhowr ah.

Deegaanka Goola Goole oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Guriceel ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug oo isbaheysanaya.

Xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa gobolka, gaar ahaan deegaanadii xalay ilaa saaka lagu dagaalamayay, iyadoo ciidamada dowladda ay doonayaan inay isku balaariyaan deegaanada Al Shabaab ka joogaan Duleedka Guriceel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this