Deeq A. Posted November 16, 2018 Cadaado (Sh.M.Network) – Wasiiru dowlaha Wasaarada amniga ee maamulka Galmudug, Mahad Xassan Maxamed oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa shaaciyay in ciidamada amniga maamulkaan ay qabteen shabakad maleegeysay weeraro ay ka fuliyaan degmadda Caabuqwaaq ee gobolka Galgaduud. Masuulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in ragga hubeysan oo ay qabtaan uu bartilmaameedkooda uu ahaa goob lagu hayey digriga Alle oo ay ku sugnaayeen Culimaa’udiin Soomaaliyeed. Wasii Mahad ayaa sheegay in shakabada oo ka kooban labo ruux ay wateen gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, kuwaasi oo uu xusay inay doonayeen inay ku beegsadaan meesha uu digriga ka socday. Ciidamada fuliyay howlgalkaan lagu soo qabtay ragaasi iyo walxaha ay siteen ayuu Wasiiru dowlaha ku amaanay ka hortega ay sameeyeen, kaasi oo uu ugu baaqay inay joogteeyaan si amniga loo sugo. Ciidamadda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxay inta badan howlgalo lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda ka sameeya degaanada iyo degmooyinka hoos-yimaada maamulkaan. The post Galmudug oo qabatay Rag hubeysan oo qorsheynayey Qaraxyo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites