Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo xoojineysa dagaalka ka dhanka ah AlShabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Sh.M.Network) – Wasaarada amniga dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegtay in uu socdo qorshe lagu doonayo in lagu hubeeyo maleeshiyaad ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka idaacadda Shabelle ay ka heleyso gobolka gaar ahaan xarunta madaxtooyada maamulkaan ayaa ku waramaya in ay wada kulmeen masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo sidoo kale hogaanka Maleeshiyaadka.

Maleeshiyaadka oo la magac baxay Macawiisley ayaa dagaal ka dhan ah xoogaga Al-Shabaab kawada deegaano dhac Gobolka Shabeellaha Dhexe ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Masuul ka tirsan wasaarada Amniga Hirshabelle ayaa shaaca ka qaaday in Maleeshiyaadka Macawiisleey lagu biirin doono  Ciidamada maamul goboleedkan islamarkaana la siin doono qalab melatari oo ay ku howlgalaan.

Ugu dambeyntii, isaga oo sii hadlaya ayuu tibaaxay masuulka uu ka go’an yahay sida uu hadalka udhigay derdergelinta howlgalada ka dhanka ah AlShaabab ee ka socda deegaanada hoos-yimaada maamul goboleedkaan.

The post HirShabelle oo xoojineysa dagaalka ka dhanka ah AlShabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this