Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan ka socda xaafado ka tirsan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Booliska Soomaaliya ayaa tan iyo xalay waxay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo howlgalo baaris ah ay kawadaan xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Howlgaladaan oo meelaha ay ka socdaan kamid tahay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaqshid, Hodan iyo Kaaraan ayaa ka dambeeyay markii dilal qorsheysan ay siyaabo kala duwan magaalo madaxda dalka.

Lama ogga hadii baaritaanka ay wadaan ciidamada lagu soo qab-qabtay Rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falalkaasi khaarijinta, mana jirto masuul ka tirsan laamaha amniga oo illaa iyo haatan ka hadlay.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii taliska Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka Gobolka Banaadir ay ka codsadeen Rayidka inay kusoo war-geliyaan hadii ay arkaan kooxaha dilalka iyo falalka amniga lidiga ku ah geysta.

The post Dhaqdhaqaaqyo ciidan ka socda xaafado ka tirsan Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this