Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidanka DFS oo la xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed, Bashiir Cabdi Maxamed [Ameeriko] ayaa sheegay in xabsi la digay saraakiil iyo askar ka tirsan Milatariga iyo Booliska dalka.

Ameeriko ayaa shaaciyay in xariga xubnahaani ay ka dambeysay markii lagu  helay dambi ah inay mushaar kaga qaadan jireen dowladda darajoooyin been-abuur ah, taasi oo baaris qoto dheer lagu sameeyay.

Saraakiisha iyo Askarta lasoo xiray ayuu taliye Bashiir cod dheer ku tilmaamay in lasoo taagi doono maxkamad si ay uwajahaan cadaaladda, isaga oo xusay inay kordhin doonan howlgalada noocaan ah.

Shaqaalaha dowladda ee sidaan oo kale uga qaatay mushaarka ayuu taliyaha Booliska ku goodiyay inay iyagana ka dabategi doonan, islamarkaana cidii lagu heli ay gacanta kusoo dhigi doonan kadibna ay sharciga horgaynayaan.

Talaabadda ayaan waxay sahleysaa in gacanta lagu soo dhigi ciidan fara badan, kuwaasi oo ka diiwaan-gishan meelo kala duwan, xili damacoodu yahay inay labo mushaar ka qaataan dowladda Soomaaliya.

The post Saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidanka DFS oo la xiray appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this