Sign in to follow this  
Deeq A.

Mustafa Cagjar oo kulan la leh madaxda ugu sareysa D/Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa utegay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya xal uhelista colaad kasoo cusboonaatey degaanka Mooyaalle.

Cagjar ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka isaga oo kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee sababay dhimashada in ka badan 30 ruux, iyo dhaawac tiro kale ee Mooyaalle laga soo wariyay.

Mr Cali oo ah kamid ah masuuliyiinta Oromada ee tuulada ku taala xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku eedeeyay Soomaalida inay doonayan dhul-balaarsi, isaga oo ku baaqay nabad iyo sidii loosoo afjari lahaa xiisada.

Safarka uu Mustafa Cagjar ku tegay Addis Ababa ayaa yimid markii shir deg deg ah ay Khamiistii yeesheen Gollaha Wasiirada ee degaanka, kaasi oo qodobada looga hadlay ay kamid tahay dagaalada Mooyaale iyo sidii loo qaboojin lahaa.

The post Mustafa Cagjar oo kulan la leh madaxda ugu sareysa D/Itoobiya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this