Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadalka culimada Somalia oo muujiyey xaqiiqda ka jirta magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Muqdiho oo shir jaraa’id qabtay ayaa si toos ah u caddeeyey in dowladda ku fashilantay amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda.

Hadalkan waxa uu nabar ku noqday xukumadda oo u arkeysay wadaaddada gaashaan ka difaaca mucaraadka.

Marka si qotodheer loo qiimeeyo hadalka culimada, waxaa kuu soo baxaya in dowladda si weyn ugu guuldarreystay amniga maadama ay ku caddeeyeen culimaddii lagu xaman jiray in ay iyagu biilaan ama dhaqaalaha ka bixiyaan.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxayey dhawaantan iyada oo weerada Al-Shabaab ay inta badan geystaan khasaaro lixaad leh.

Waxaa sidoo kale liita habka maamul ee gobolka Banaadir, oo maamulka iminka jira lagu sheegay mid daciif ah, oo ana lahayn awood uu dadka ku bad-baadiyo, ayada oo hay’adaha amnigana ay kasii daran yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this