Sign in to follow this  
Deeq A.

Kala Duwnaanshaha Daahir Rayaale Kaahin Iyo Muuse Biixi Oo Xilli Dadkii Bakhtiyayaan Qasri Ka Dhisanaaya Xafaadooda Xaraf.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kala Duwnaanshaha Daahir Rayaale Kaahin Iyo Muuse Biixi Oo Xilli Dadkii Bakhtiyayaan Qasri Ka Dhisanaaya Xafaadooda Xaraf.

Akhristayaal waxaynu dib u milicsan doonaa mid ka mid ah hadaladii mahadhooyinka reebay ee laga hayo madaxweynihii 3aad ee somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin.

mb-1.jpg

Daahir Rayaale oo sanad ka dib markii uu talada dalka ku wareejiyey Axmed Siilaanyo ka soo dagay Hargeysa ayaa la waydiiyey su,aalo ku saabsan sababta uu dib u dhis ugu samayn waayey xarunta madaxtooyada.

Gudoomdiyaha ururka suxufiyiinta somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa soo bandhigay su,aalaha la waydiiyey Daahir Rayaale iyo jawaabaha uu ka bixiyey, waxaanu qoraal uu soo saaray ku yidhi :-

Daahir Riyaale ayaa sanad ka dib markii uu Siilaanyo talada hayey isaguna uu ka soo noqday Paris la weydiiyey maxaad u malaynaysaa ee uu Siilaanyo qabtay.

wuxuu ku jawaabay Madaxtooyadda oo uu qurxiyey.

 

waxay weydiiyeen odayaashii su’aasha weydiiyey oo adigu maxaad u hagaajin la’ayd waa kuwii Kulmiye lahaa markay madaxtooyadda la wareegayeen gali mayno illaa Siilaanyo laga hagaajiyo mooyee.

 

wuxuu Madaxweyna Riyaale ku jawaabay sanad kasta dhis baan is odhan jiray, hase yeeshee markaan in yar u ururiyaba meel baa balaayo laga soo sheegi jiray, dabadeed na waxaan is odhan jiray ma Madaxtooyada ad Qurxin isagoo dalkii Qasan yahay. intaan qasnada yar ku noqdaan Guurti iyo ciddii wax ka qaban kartaba ku faaruqin jiray sidaas na ku damin jiray khilaaaf kasta oo dalka waxyeeli Kari lahaa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this