Deeq A. Posted November 15, 2018 Cadale ( Sh. M. Netwotk )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanka Laba-Garas oo hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Waxaana la sheegay in ay xiisadu u dhexeyso laba Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay wal wal ka qabaan in markale dagaal uu ka qarxo deegaankaasi. Waxaana ay tilmaameen in labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka HirShabelle oo ku aadan xiisadaasi. Hase’ahaatee waxgaradka deegaanka ayaa durbo bilaabay dadaallo nabadeed oo looga hortagayo colaadaasi. Dagaalkii xalay ee dhexmaray labadaasi Beeleed ayaa waxaa ku dhintay 2 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay. The post Xiisad xoogan Oo ka taagan duleedka degmada Cadale appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites