Deeq A. Posted November 15, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil kooxo hubeysan barqanimadii maanta ay ka geysteen degmada Wardhiigley ee G/ Banaadir. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Wiil dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa xaafadda laba Dhagax ee degmadaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Raggii ka dambeeyay dilkan oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib. Illaa iyo had lama oga waxa uu aha shaqsiga la dilay, iyadoona Meydka Marxuumka ay goobta ka qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray halkaasi. Sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilkaasi. Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmihii dambe Ciidamada DFS ay wadeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, kadib qaraxyadii ka dhacay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho. The post Wiil dhalinyaro ahaa Oo lagu dilay Wardhiigley appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites