Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Jabuuti Oo soo dhaweysay Cunaqabateyntii laga qaaday Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti ( Sh. M. Network )-Shaley aye aheyd markii Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedin ku saabsaneyd in Eritrea laga qaado cunaqabateynta dhinacyada, taas oo ay horgeysay dowladda Ingiriiska, Mareykankana uu ku taageeray.

Wuxuu dhanka kale goluhu ku baaqay in labada dal ay sii wadaan wada xaajoodyada ay ku xallinayaan khilaafaadkooda.

War murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Jabuuti oo uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa lagu yiri “dowladda Jabuuti waxa ay soo dhaweyneysaa qaraarka Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu yahay 244 ee xallinta khilaafaadkii u dhexeeyay dowladaha Jabuuti iyo Eritrea”.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu qeexay sida ay Jabuuti diyaar ugu tahay xalka “waxaan aqbaleynaa go’aanka lagu fududeynayo wax kasta oo lagu wada hadlayo oo ku aaddan dowladaha Eritrea iyo Jabuuti”.

Lama oga sababta ku dhalisay Jabuuti in ay taageerto cunuqabateen in laga qaado Eritrea

Horraantii bishii Agoosto ayay dowladda Jabuuti si weyn uga carootay baaq uu madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ugu jeediyay Qaramada Midoobay inay cunaqabateynta ka qaaddo dalka Eritrea.

Arrintaas ayay Jabuuti qaarkood u aragtay in Somalia ay “la safatay Eritrea”, xilli labada dal ay is hayaan, horayna uu gacan ka hadal u dhex maray.

Sidaas awgeed, hadda iyadoo wali uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya labada waddan ee Jabuuti iyo Eritrea, ee salka ku haya muranka xadka ayaa su’aalo badan la iska weydiinayaa waxa keenay in xukuumadda Jabuuti ay soo dhaweyso go’aanka Qaramada Midoobay ay hubka ugu fasaxday waddanka ay is hayaan.

The post Dowladda Jabuuti Oo soo dhaweysay Cunaqabateyntii laga qaaday Eritrea appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this