Sign in to follow this  
Deeq A.

C/qani Saciid Carab Oo ku soo baxay doorasho aan cidina kula tartamin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Doorasho aysan soo xaadirin wax Musharraxiin ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in madashaasi lagu doortay Hoggaanka cusub ee xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Doorashadan oo aheyd mid laga soo hormariyay Jadwalkii loo qorsheeyay ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo saraakiil ka socotay CAF oo kor joogto maqaar saar ah ka ahaa doorashadani.

C/qani Saciid Carab ayaa la sheegay in loo doortay in uu sii maamulo xiriirka kubadd Cagta Soomaaliyeed.

Balse arinta la yaabka leh ayaa noqotay in guddoomiyaha uusan joogin kulanka lagu doortay iyadoona sidoo kale uusan jirin Musharrax kale oo la tartamay.

Qeybaha kala duwan ee Warbaahinta ayaa kulanka banaanka looga saaray markii ay bilaabatay doorashada oo aheyd gacan taag.

Kooxaha heerarka kala duwan ee Soomaaliya ayaa marar badan dhaliilay hanaanka loo qorsheeyo doorashooyinka xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed ,maadaama doorashooyinkaasi loo qabtay, si musuq-musuq ah oo ka hor imaanaya xeerarka u degsan ha’yadda xiriirka Kubadda Cagta Aduunka ee FIFA.

Ku dhawaad toban Sano oo uu C/qani Saciid Carab ahaa guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaan muddadaasi la kulmin wax loolan ah, waxaana xafiiska xiriirka uu noqday mid uusan marnaba ka dhicin gudddoomiyaha la sheegay in markale la doortay ee C/qani Saciid Carab.

Sidoo kale muddada uu ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta  ayaa waxaa jiray dayacaado fara badan oo ay la kulmeen ciyaartoyda soo matalay Astaanta Qaranka, kuwaas oo aan helin xuquuqdoodii caafimaad marka ay ku soo dhaawacmaan kulamo ay ku matalayeen xulka Soomaaliya.

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa ka qeyb galay tartamo caalami ah inta uu hoggaanka xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta hayo C/qani Saciid Carab,taas oo rajo ay ka muujiyeen shacab weynaha Soomaaliyeed,maadaama xul walba oo safra ay la soo laabtaan guul-darooyin iyo natiijooyin liita.

Maalin ka hor ayey aheyd markii xulka ka yar 23-ka Sano ee Soomaaliya ay khasaaro 4-0 kala kulantay xulka Ethiopia kulan ka dhacay magaalada Adis-Ababa ee caasimadda dalkaasi oo ka tirsanaa is ree-reebka ciyaaraha Olompikada Adduunka ee lagu qaban doono dalka Japan.

Inta badan guddoomiyeyaasha xiriirada Kubadda Cagta Qaaradda Africa ayaa wax badan ku raaga Kursigaasi, taas oo FIFA ay aaminsan tahay in ay ku timaado doorashooyin la gacan bidixeeyay sida ka jirta Soomaaliya.

The post C/qani Saciid Carab Oo ku soo baxay doorasho aan cidina kula tartamin appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this