Deeq A. Posted November 15, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxkamadda Ciidamada Qalabks Sida ayaa maanta xukun ku riday illaa labo eedeysane oo la horgeeyay Maxkamaddaasi. Xuseen Daa’uud Cali Hafow iyo C/laahi Maxamed Axmed ayaa waxa ay Maxkamaddu ku eedeysay in ay tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab. Eedeysanaha koowaad Xuseen Daa’uud Cali Hafow ayey Maxakamadda Ciidanku sheegtay in Al Shabaab uu u qaabilsanaa dhanka Miina tuurista, halka C/laahi Maxamed Axmed Maxkamaddu ay ku eedeysay in Al Shabaab uu u qaabilsnaa u kireynta Guryaha. Sidaas daraateed Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun xabsi Ciidan ah oo gaaraya 15 sano iyo 1 sano ku kala xukuntay Raggaasi, sida uu ku dhawaaqay Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamaddaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Maxkamada-Ciidanka-Qalabka-Sida-Ayaa-Xukun-Kuriday-Eedeysanayaal-Lagusoo-Eede....mp3 The post Maxkamadda CQS Oo xukun ku riday labo Eedeysane appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites