Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada maamulka K/ Galbeed Oo dib loo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Netwotk )-Guddiga qaban qaabada doorashada K/ Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada Hoggaanka maamulkaasi.

Xubnaha ka haray guddigan oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa shaaciyay in doorashada la qaban doono 28-ka bishani Novermber ee 2018-ka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in waqtigaasi lagu soo dhameystiri doono xubnaha guddiga, islamarkaana la qaban doono doorashada, si loo doorto Madaxweyne cusub.

Doorashada K/ Galbeed ayaa la filayay in ay dhacdo 17 bishan, balse waxaa saameyn ku yeeshay is casilaadii ay sameeyeen xubno ka mid ah guddiga doorashada maamulkaasi.

The post Doorashada maamulka K/ Galbeed Oo dib loo dhigay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this