Deeq A. Posted November 15, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo inta udhaxeysa Isgoysyadda Dabka iyo Bakaaraha ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda. Qaraxa oo aad ucuslaa, kaasi oo lagu soo xiray Gaariga ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen saddex Askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, oo isbitaal loola cararay. Ma jirto koox dhabarka saaratay masuuliyadda Qaraxani, kaasi oo aanu illaa iyo haatan jirin masuul ka tirsan dowladda oo ka hadlay si uu fahfaahin dheeri ah oo ku saabsan ula wadaago warfidiyeenka. Qaraxyadda miinooyinka ee lagu rakibayo gawaarida ay leeyihiin ciidamada dowlada iyo shaqsiyaadka kale ayaa mudooyinkii udambeeyay kusoo badanayey Muqdisho, inkasta oo hay’addaha amniga ay ku howlan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen. The post Qarax xoogan oo khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites