Deeq A. Posted November 15, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Saacadihii aynu kasoo gudubnay waxaa degmooyinka Hodan, Hiliwaa iyo War-dhiigle siyaabo kala duwan uga dhacay dilal qorsheysan oo ay geysteen kooxo ku hubeysan Bastooladdo. Duhurnimadii maanta waxaa degmada War-dhiigle gaar ahaan nawaaxiga Labo-dhagax waxaa lagu khaarijiay wiil dhalinyaro ah, kaasi oo wali aysan Shabelle helin magaciisa, balse la sheegay inuu ka shaqayneyay mid kamid ah shirkadaha isgaarsiinta. Degmada Hodan, gaar ahaan xaafada Saybiyaano waxaa Maqribnimadii lagu toogtay Garaad Yaasiin, oo la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro ah, kaasi oo ka shaqaynayay mid kamid ah Shirkadaha daabacaadda. Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa waxaa gabal-dhicii lagu naf-gooyay wiil dhalinyaro ahaa, kaasi oo halkaasi si wayn looga yaqiinay, waxaana dilay sida la sheegay dably bastoolada wadatay. Dhamaan raggii fuliyay dilalkaan siyaabaha kala duwan uga dhacay degmooyinkaan oo goobta ka baxsaday waxaa ku dabajira hay’addaha amniga oo meesha ay wax ka dhaceen tegay. Ma jirto cid sheegatay falalkaan lidiga ku ah nabad-gelyadda, kaasi oo kusoo aadaya xili Isgoysyadda waawayn ee magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo nabad-gelyada sugaya. The post Wararkii ugu dambeeyay toogasho ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites