Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Golaha wasiirada Puntland oo degmooyin cusub lagu ansixiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii Golaha wasiirada dowladda Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa lagu ansixiyay 2 degmo oo cusub,kuwaasoo kala ah Yubbe oo ka tirsan gobolka Sabaag iyo Ceegaag oo ka gobolka Cayn.

Sidoo kale shirka ayaa warbixin looga dhegaystay guddiga Nabadeynta colaaddii Dhummay ay u xil-saartay dowladda Puntland,waxaana ay sheegeen in ay meel fiican marayso Nabadeyntii beelaha,sida ku cad war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Shirka golaha wasiirada Puntland ayaa dhinaca kale lagu taageeray barnaamij lagu yag-leelayo sanduuqa horumarinta Puntland oo ay soo diyaarisay wasaaradda Qorshqynta iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Puntland,sida war-murtiyeedka ku xusan.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhammaystiran

FB_IMG_1542297234625.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Shirkii Golaha wasiirada Puntland oo degmooyin cusub lagu ansixiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this