Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo war kasoo saartay heshiiska 3 geesoodka ah ee dalalka Geeska Africa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concer iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war qoraal ah oo safiirku uu soo dhigay Twitterka waxa uu uga warbixiyay qoddobada ay ka wada hadleen Madaxweynaha.

Ambaasaddoor Concer ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada ay ka wada hadleen horumarka arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya.

Safiirka ayaa tilmaamay in uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu hambalyeeyay dadaalka uu ku bixinayo nabadda iyo isdhexgalka Gobolka iyada oo loo marayo heshiiska seddax geesoodka ah ee uu la sixiixday madaxda Itoobiya iyo Eretereya.

“waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo igu casuumay Villa Somalia. Waxaan ka wada hadlnay horumarka arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya. Waxaan ugu hambalyeeyay dadaallada uu ku bixinayo nabadda iyo is dhexgalka Gobolka ee loo marayo heshiiska iskaashi ee uu la yeeshay Itoobiya iyo Eritrea” Ayuu yiri safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb David Concer.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shalay sheegay in dalal kale lagu soo dari doono iskaashiga Gobolka iyada oo kulanka seddaxaad ee arrimaha Geeska Afrika looga hadlayo uu ka dhici doono magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this