Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Fiqi: Weerarkii Hotel SAXAFI wuxuu ahaa shirqool nalagu dili rabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay weerarkii 9-kii bishan lagu qaaday Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Hoteelkaasi ay deganaayeen xildhibaanno Labada aqal ah oo ka badan 50, wuxuuna tilmaamay in xukuumadda federaalka ay illaa iyo hadda wax baaritaan ah sameyn.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in waxyaabaha ay ka shakiyeen ay tahay in raggii weerarka soo qaaday ay wateen dareeska ciidanka xoogga dalka, waliba kuwii ugu dambeeyey ee loo qeybiyey iyo sidoo kale hub dhowaan la siiyey dowladda.

Dhanka kale, xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in weerarkii Saxafi ay u arkeen shirqool iyaga lagu dili rabay.

Waxa uu ku baaqay in guddi loo saaro arrintan, islamarkaana baaritaan dhab ah lagu sameeyo sida Al-shabaab u heleen hubka iyo dareeska ciidanka dowladda.

Ma jiraan wax caddeymo ah oo si madax banaan u xaqiijin kara sheegashada xildhibaan Fiqi. dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa si buuxda u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Halkaan hoose ka dhageyso

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/fiqi-2.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this