Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka ee QM oo go’aan cusub ka gaaray cunaqabateynta Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Ammaanka ee QM oo go’aan cusub ka gaaray cunaqabateynta Somalia

 qm-300x160.jpg

 Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay Cunaqabateynta hubka iyo dhoofinta Dhuxusha ee saaran Dalka Soomaaliya.

15 xubnood ee golaha amaanka ayaa sheegay in Al Shabaab ay dhaqaalo badan wali ka helaan dhoofinta dhuxusha oo mamnuuc ka ah dalka Soomaaliya, waxaana taasi ay qasabtay in muddo sanad ah lagu kordhiyo cunaqabateynta.

Arinta ayaa kusoo aadeysa iyadoo golaha ay cunaqabateynta ka qaadeen dalka Eritrea oo xiriir wanaagsan uu hadda kala dhaxeeyo dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia oo ah dalalka arintaan u ololeeyay.

Warbixin ay gudbiyeen guddiga dabagalka Cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wali Soomaaliya ay kamid tahay dalalka Suuqyada lagu kala iibsado hubka.

Waxii ka dambeeyay burburkii dowladdii Dhexe waxaa Soomaaliya saarnaa cunaqabateynta hubka, iyadoo hadda laga qaaday Dowladda Eritrea, waxaana muddada sanadka ah Somalia ku socon doono qiimeyn kale.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this