Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Fiqi: Weerarkii Saxafi Wuxuu Ahaa Shirqool Nalagu Dili Rabay (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay weerarkii 9-kii bishan lagu qaaday Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Hoteelkaasi ay deganaayeen xildhibaanno Labada aqal ah oo ka badan 50, wuxuuna tilmaamay in xukuumadda federaalka ay illaa iyo hadda wax baaritaan ah sameyn.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in waxyaabaha ay ka shakiyeen ay tahay in raggii weerarka soo qaaday ay wateen dareeska ciidanka xoogga dalka, waliba kuwii ugu dambeeyey ee loo qeybiyey iyo sidoo kale hub dhowaan la siiyey dowladda.

Dhanka kale, xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in weerarkii Saxafi ay u arkeen shirqool iyaga lagu dili rabay.

Waxa uu ku baaqay in guddi loo saaro arrintan, islamarkaana baaritaan dhab ah lagu sameeyo sida Al-shabaab u heleen hubka iyo dareeska ciidanka dowladda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/fiqi-2.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this