Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gari Allay Taqaane Hooyooyinka Cawday Waa Gartood EdebDaraa lagula kacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Anigoo Ku Hadlaya Magaca Dhalin Yata Beesha East Burco Clan Waxaan Leeyahay Xukuumaddu Inay Cariigsato, Cadhada Umaddana Kiciso Oo Nacayb Ku Abuurto Dadka Muwaadinka Ah Ma Aha,Waar Arrintan Oo Kale Halis Teeday Leedahay Ee Hablaha Arrintooda Wax Ha Laga Qabto.

35F2EBE8-105C-4754-8B57-558B63985DCC.png

Haddii Xukuumadii U Dhegoolaysay Dadka Lagu Gabbood Falay, Dee Xeer Dhaqan Oo Beelaha Kala Xidhaa Jira’e, In Waxgaradkii,Madaxdii Dhaqanka,Abwaanadii,Dhalin Yaradii,Aqoon Yahankii Beesha Ninka Aflagaadada Geystay,Sidii Xukuumadii Oo Kale Iyana Geestooda U Aamusaan Ma Ahayn.

Sidani Gobanimo Ma

Aha…Walaahay Reer Somalind Dhaqan Xumada Aan Ku Arkay Khaasatan Beelaha Isaaqa Ismaan Odhan Jirin Dabci Noocaasi Ah Bay Leeyihiin..

Bal Fiiri Beel Kastaa Marka Iyada Wax Lagu Sameeyo Ee Ay Gef Tabanayso Ayuunbay Danteeda Ka Hadashaa Oo Qanjaha Karisaa.

Haddii Cid Kale Gardarro La Wada Arkayo Oo Badheedh Ah Lagula Kaco,Mafrashyada Waa Lagaga Hadli,Oo Waa La Odhan Walahay Arrinkaasi Waa Qalad,
Laakiin Sheekh Iyo Shariif Iyo Mid Aqoon Yahan Sheegta,Qof Si Caddaan Ah Uga Badheedhaya Oo Mediaha Ku Caddaynaya Ciddii Xaq Darada Waday,Weligaa Arki Maysid,

Beel Heblaayo Waxaanu U Aragnaa In Arrinkaa Lagaga Khaldan Yahay Ee Halooga Garaabo,Gefkana Ha Laga Daw Mariyo,Ma Arkaysid..
Sheedda Kore Ayaa Laga Daawadaa Tiiyoo Laysku Jabayo Taasina Inama Dhaqayso, Waa Munaafaqnimo.

kolkaan Intaa ka imaado.

Xukuumadu Ma Waxay Rabtaa In Fadeexada Iyo Cayda Buugga Lagu Qoray,Ee Haweenka Lagu Bahdilay Ay Weligeedba Mediaha Ku Dhex Wareegto Taariikh Xumadaasina Cid Walba Gurigeeda Ugu Tagto.

Haa Dabcan Sidaasay Rabtaa, Taasina Waa Gardaro Cadaan Ah,Waa Edeb Darro,Waa Fal Dhaqan Xumo Ah.

Haddii Aan Qorshaheedu Kaas Ahayn,

Maxay Tahay Sababta Hoggaanka Dalku Dhegaha Uga Furaystay,

Ee Hablaha Iyo Hooyooyinka Ka Cawday Aflagaadada Loo Geystay Loo Daw Marin Waayay, 6-Da Bilood Ee Arrinkaasi Taagnaa.

Dadku Xaq Bay Ugu Leeyihiin Inay Xukuumadda Inay Cabashadooda Dhegaysato Oo Wixii Daw Loogu Leeyahay Aqbasho, Wixii Aan Loogu Lahayna Daliil Qanciya U Sheegto.

Dhalinyaro,Waayeel,Aqoon Yahan,Haween,Madaxdii Dhaqanka Dal Iyo Debed Arrimaha La Dhibsaday Ee Cid Waliba Ka Qaylisay.

Ma Waxay Leedahay Xukuumaddu Sax Ma Aha Ee Dadkaa Waalan Oo Ninka Cayda Diiwaanka Ku Qoray Baa Saxan.

Haday Sidaa Xukuumada Muuse Biixi Iyo Golihii Dhaqanka Ee Guurtidu Qabaan,Dee Waa Inay Dadka Ka Qanciyaan Oo Lagu yidhaa Waa Khaldan Tihiin Oo Sidaas Baa Ku Khaldan Tihiin.

Hadii Kalena,Diiwaan Cay Iyo Fadeexad Lagu Qoray Haweenku Ma Geyaane Buuggaa Waa In Laga Cidhib Tiara Dhulka Oo Dab La Qabadsiiyo.

Xasan Cilmi Cawaale………Hargysa

abdinacfi2013@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this