Sign in to follow this  
Deeq A.

Xil Magacaabista Iyo Khaladka Laga Fahamsanyahay Dowladnimada

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa inta badan goobaha la isugu yimaaddo magaalada Hargeisa laga hadal hayaa magacaabis isku shaandhayn reer hebel booskee ayaa loo dhiibay.halkaas oo reero ama bulsho aan ogayn la hafrayo magacoodii oo laga dhigayo sidii ay masaariif ka qaadan jireen xilka ama wasaarad uu qof uga masuul ahaa qaranka taas oo gef ku noqonaysa umadd dhan sharafteed.

Inta badan qofka xil loo magacaabo waxa laga dareemaa farxad iyo rayn rayn wuxuu jecel yahay in hambalyo la yidhaahdo wuxuu u qaattaa in magaciisii sare u kacay ama uu yahay qof aad muhiim u ah oo aan laga maarmayn waxana suurto gal ah inuu xaflado ay

lacag badani ku baxdo qabsado sidii dhacday sannadihii ina dhaafay halkaas waxa laga fahmayaa inuu qofkani ku haliilayo xoolaha umadda una arkayo jaaniskii uu ka faaiidaysan lahaa Hantida umadda ka dhaxaysa halkii ay ka ahayd inuu dareemo in Culays ku soo kordhay oo war war muujiyo oo ku ducaysan lahaa in xilka ilaahay ku asturo. Waxa wacnaan lahayd in isla xisaabtan adag uu la kulmo hadhow marka uu xilka ka tagayo.
Waxa kaloo dhacda in qofka xil laga qaadaa isu arko qof lagu xad gudbay ama dukaan uu lahaa laga qaaday ama gabal baas u dumay oo wajigu madoobaanayo halkii ay ahayd inuu u arko in xil laga furtay ama shaqadu meertoba tahay oo aanu kaligii lahayn ee isaguna uu wakhti hayay maantana qof kaloo walaalkii ahi ku wareegayo.

Waxa iyaduna jirta in qofka naawilayay xil haddii uu waayo uu miijyo niyad xumo uu rajada guud ku cabbirayo dareenkiisa hoose ee isaga u gaarka ah.

Waxa iyaduna aan meesha ka maqnaan Karin haddii qofka kal jeclaysi xil loogu dhiibo ama hebel ayaa waday la yidhaahdo isagoo aan u qalmin meesha loo magacaabay waa Musuq waa (Corruption) oo magacaabista lafteeda ayaa musuq ah inuu hadhow isaguna wax musuqo la yaab ma leh waana waxyabaha keena Cawaaqib xumada ama ay ku lunto kalsoonida lagu qabo dowladnimadaba.

Waxa kaloo xusid mudan iyadoo hab farsamo loo eegayo oo qofkii meesha ku haboonaa la tixgelinayo ayaa haddana waxa khasab ah in la xeeriyo qaab dhismeedka Bulshada (Social context)illayn geed qallooc ku baxay maalin keliya lama toosin karo waxay u baahantahay process waana in la muujiyo inuu jiro hab awood qaybsi oo cid kastaaba iska dhex arkayso muraayadda dowladnimo.

Waxyaabahan oo surma-seegto keena iyo qaar kaloo badan waxay muujinayaan inaan inta badan la fahamsanayn xikmaddii dowladnimada loo samaystay oo ay dadkii war war ku abuurtay waxa la yidhaa dadku ma haysto nabad ama ma deggana inta uu war war ku furanyahay ee uu leeyahay dowladnimo kuma maqna qalloca Dowladnimada galay ayaa soo bilaabmay tan iyo intii ay Somalia xornimada qaadatay 1960kii oo aan la helin dowlad ama xukun la mahadiyo. Hase ahaattee ay ahaayen xukuumadihii kala danbeyay qaar faraha lagaga gubtay.

Si kastaba ha ahaatee waxa lagu maarayn karaa arrin kastaba is qancin iyo daah furnaan ay xukuumaddu muujiso inay mar kasta qancin diyaar u ahaato dadkna isku waddo dadweynaha waxa la gudboon inay beddelaan qaabka fikirka (Attitude) waa inay aragtidooda ku ifiyaan xagga wax qabadka oo ay xukuumadda kula xisaabtamaan wax qabad xagga Waddooyinka bur buray.Caafimadka.Sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha waxa dhacda had iyo jeer in sawirka gudaha dalka ka jiraa yahay muraayadda laga daalacan karo Siyasadda arrimaha dibadda ee waddan kasta leeyahay.

Wa billaahi towfiiq

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this