Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Mar Kale Isku Shaandheyn Ku Samaynaya Xukuumadiisa Iyo 10 Wasiir Oo La Sheegay Inay Xilalkooda Waayi Doonan Iyo Shirkii Maanta Ee Golaha Wasiirrada Oo La Fasaxay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu markii labaad Muddo sannad ah oo isku shaandhayn ku sameeyo xukuumaddiisa.

2018104636742512277227229784.jpg

Madaxweynaha ayaa la sheegay in isku shaandheyntaas Maanta oo Khamiis ah ku jiro diyaarinteedii ugu dambeysay isla markaana uu fasaxay shirkii Golaha Wasiirada oo maanta ka qabsoomi lahaa xarunta Madaxtooyadda.

Sidoo kale warbaahintu helayso ayaa waxa ay sheegaya in sababta shirkii golaha wasiirada loo fasaxay inay tahay diyaarinta iyo ku mashquulkan isku shaandheyntan oo bulshadu si weyn u hadal hayso kadib markii bulshadu si adag uga biyo diiday isku shaandheyn kooban oo madaxweyne Biixi samaayey

Xogaha ayaa sidoo kale sheegay in isku shaandheyntan ay xilalkooda ku waayo doona wasiiro Badan oo gaadhaya ilaa 10 Wasiir iyo sidoo kale Taliyayaal ciidan, halka masuulyiin kale na xilalkooda la isku bedeli doono, balse xogan si rasmi ah umay kala cadeyn magacyada wasiiradan iyo taliyayaashan xilalooda waayi doona

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this