Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Philippines Oo Shirar Caalami Ah Ka Baaqday Si Uu U Seexdo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Philippines)-War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Philippines Rodrigo Duterte ayaa lagu sheegay inuu shirar dhowr ah madaxweynuhu ka qeyb gali waayay, maadaama uu “nasiino ka qaadanayay xukunka”.

Af hayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Duterte uu maalintii Arbacada baajiyay afar munaasabadood oo lagu waday inuu ka qeyb galo, isagoo ka door biday “inuu seexdo oo uu nasto”.

Duterte iyo hoggaamiyeyaal kale oo caalamka ka kala socda ayaa ku sugan waddanka Singapore, iyagoo ka qeyb galaya shirka golaha ay ku bahoobeen waddamada Koonfur-bari Aasiya.

Madaxweynaha 73 jirka ah ayaa difaacay ficilladiisa, isagoo yiri: “Maxaa ka khaldan hurdayeda?”.

Duterte ayaa horay uga baaqday shirar kale oo caalami ah iyo kuwo ka dhacayay gudaha Philippines.

Sannadkan oo dhan waxaa socday hadallo la isla dhex marayay oo ku saabsan shaki la galinayo caafimaadkiisa, bishii Oktoobar ayuuna shaaca ka qaaday inuu ka cabsi qabay cudurka Kansarka.

Af hayeenka madaxtooyada ayaa sheegay in ka baaqashada madaxweynaha ee shirarka aysan wax xiriir ah la lahayn xaaladdiisa caafimaad, haddana uu nasiino fiican helay.

Duterte ma aha madaxweynaha kaliya ee sannadkan lagu arkay isagoo hurda xilli ay socdaan shirarka qaaradda Aasiya.

Saxafi ka tirsan wargeyska Washington Post ayaa dhawaan sawir ka qaaday madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in oo u muuqday inuu hurdayo, xilli uu ku jiray shir.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this