Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Booliska Itoobiya Oo Xabsiga La Dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Ciidamada Booliska ee Dalka Itoobiya ayaa Maanta xabsiga u taxaabay Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska, ahna Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Sirdoonka ee Wadankaasi Yared Zerihun.

46317770_2197580003844649_84081475886409
War kooban oo ka soo baxay Xeer ilaaliyaha Guud ee Wadanka Ethiopia oo lagu baahiyay Fana ayaa lagu sheegay in maanta ay ciidamadu xabsiga u taxaabeen Mr, Yared.
Sarkaalkan ayaa laga soo qabtay Magaaladda Duken Oo 30 km Dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaaladda Addis Ababa.

Sidoo kale waxa isna la soo xidhay Colonel Gudeta Olana, oo dhinaca amaanka u qaabilsanaa shirkadda Isgaadhsiinta ee Ethio-telecom,
Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ciidamada Booliska ee Dalka Ethiopia ayaa gacanta ku soo dhigay ku dhawaad lixdan sarkaal oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyay ee Ethiopia, kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay galeen musuqmaasuq iyo gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this