Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo Ninkii labaad ee isku qarxiyey Hotel Sahafi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay shaqsiyaadkii ka dambeeyay weerarkii hotel saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimashada inka badan 30 ruux.

Al Shabaab ayaa maanta markale baahiyay wareysi ay ka qaadeen sidey sheegeen ruuxii labaad ee ka dambeeyay weerarkii Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana ruuxaasi Al Shabaab uu ku biiray sanadkii 2011.

Magaca ruuxa labaad ayay Al Shabaab ku sheegeen Mukhtaar Maxamed Ibraahim Salagle, waxaana uu ka dhashay Beesha Ogaadeen, sida lagu baahiyay baraha Al Shabaab u faafiya Wararka.

Da’diisa, ayaa lagu sheegay 47 sano jir, waxaana uu kamid ahaa ragii weeraray hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho maalmo ka hor.

Al Shabaab ayaa inta badan baahiya wareysi ay sheegaan inay ka qaadaan ragga weerarada ismiidaaminta ka geysta magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya.

Mr Salagle ayaa Degmada Salagle ku dhashay sanadkii 1969, waxaana uu kamid noqonaya dadka da’da ah ee fuliya weerada Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this