Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DFS Oo Howlgallo Ka Wada B/weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Howlgalladan ayaa ah kuwo ay ciidanka ku raadinayaan rag xalay magaaladaasi ku diley mid ka mid ah nabadoonada sida weyn looga yaqaanay B/weyne.

Nabadoonka la diley ayaa lagu magacaabayey Cismaan Yuusuf Ciiley, waxaana diley rag hubeysan oo goobta isaga baxay.

Saraakiisha ammaanka B/weyne qaarkood oo aynu xiriir la sameennay si aan wax uga weydiinno howlgalladan ayeey ka gaabsadeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this