Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Seddexaad ee Wadamada Geeska Afrika oo lagu qabanayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyay xiriirka dalalka Gobolka, Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uga dhiganyahay heshiiska saddex geesoodka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 30-kii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya lagu hayay fara gelin toos ah, balse waxaa uu xusay in Madaxda dhiggiisa uu kala hadlay in Soomaaliya laga daayo fara gelinta, taasi oo keentay in la helo iskaashi balaaran oo dhex mara dalalka Geeska Afrika.

“Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxaan ku qabsanay Asmara, Eretria, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan.

The post Shirka Seddexaad ee Wadamada Geeska Afrika oo lagu qabanayo Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this