Sign in to follow this  
Deeq A.

Howgallo Saakay Socda Baladweyne Ka Dib Dil xalay ka dhacay Magaaladaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne  (Sh.M.Network) –Wararaka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay xaafada howwadaag ee Magaaladaasi lagu dilay Nabadoon caan ahaa kaasi oo lagu Magacaabi  jiray Marxuum Cusmaan Xuseen Ciileey oo ka mid ahaa odiyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Dabley hubeysan ayaa Nabdoonka  dishay iyadoona halkaasi ay ka baxsadeen sida ay xaqiijiyeen Dadka Deegaanaka.

Ciidamo ka tirsan Maamulaka hir shabelle ayaa goobta gaaray iyadoona halkaasi ka sameeyey baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxdii falkaasi ka danbeysay.

Wararkii ugu danbeeyey ee saakay ayaa sheegaya in howgallo ay ka socdaan Magaalada Baladweyne kaasi oo lagu baadi goobayo kooxdii dilka ka geysatay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

The post Howgallo Saakay Socda Baladweyne Ka Dib Dil xalay ka dhacay Magaaladaasi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this