Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbaarooyin hor leh oo laga soo dhigay sh/hoose oo la qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Maxamed Ibraahim Barre Gudoomiyaha Gobolka Sh Hoose ee Maamulaka Koonfur Galbeed ee Somaaliya ayaa sheegay in Maamulaka G Sh Hoose uu ku guuleystay qaadista isbaarooyin hor leh oo la soo dhigay inta u dhaxeysa Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn ee Gobolkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Sh Hoose ayaa tilmaamay in isbaarooyinkaasi  ay xanibeen isku socodkii gadiidka gobolkaasi isagoona tilmaamay in lagu guuleystay in la sii daayo gadiid ku xayirnaa Dulleedka Degmada Afgooye ee Gobolkaasi.

Gudoomiye Maxamed ibraahim ayaa ugu danbeyntii sheegay in xubno ka tiran Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ay la gaashadeen qaadista isbaarooyin la soo dhigay Deegaano aka tirsan Gobolkaasi.

The post Isbaarooyin hor leh oo laga soo dhigay sh/hoose oo la qaaday appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this