Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo Reer Hindiya Ah Oo Makaankeeda U Hibaysay Gabadheeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Meenakshi Valand waxa ay ka mid tahay dadka aadka u yar ee ku nool dunida ee ilmo ku dhala habka tallaalka ama ku abuuridda minka. Aaad ayeyna arrinkan ugu faraxday.

“Oohinta ayaan joojin waayey markii ay gabadhayda dhalatay. Waxaa iga dhintay lix ka mid ah carruurtayda sanadihii la soo dhaafay,”

Haweeneydan oo 28 sano jir ah ayaa waxa ay ku dhashay dalka Hindiya bishii la soo dhaafay kaddib markii ay hooyadeed min ugu deeqday.

Muddadii 9ka sano ahayd ee ay xaaska ahayd, Meenakshi waxa ka dhintay laba ilmood kaddib markii ay waqtikeeda dhamaysatay, afar mar oo kalana ilma ayaa ka dilmay taa oo dhaawac u keentay ilma galeenka.

RadhaLahaanshaha sawirkaGALAXY CARE HOSPITALImage captionRadha

Waxa ay booqatay dhakhtar lagu magacaaba Dr Shailesh Putambekar, kaasoo madax u ah qaybta samaysa talaalka minka dumarka ee isbitaalka Galaxy Care Hospital oo ku yaala magaalada Pune.

Hooyadeed oo lagu magacaabo Sushila Ben ayaa ugu deeqday minkeeda si ay gabadheeda carruur u dhasho.

Tallaalka makaanka ayaa waxaa sameeyey koox ka kooban 12 dhakhtar bishii Meey ee sannadkii 2017kii.

Dr Putambekar ayaa sheegay in dhiigga uu sare u kacay ayna go’aansadeen inay qaliin ku sameeyaan . Cunuga ayaa ku dhashay dhicisnimo, balse waa ay wanaagsantahay xaaladdooda caafimaad.”

Waa markii ugu horreysay ee dhalma noocan ay ka dhacdo dalka Hindiya, waana markii 12 aad ee ay adduunka ka dhacdo.

Taariikhda tallaalidda makaanka:

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Dumarka lagu tallaalo makaanka ayaa waxa laga sameeyey 12 dal oo kala ah Sweden, Sucuudiga, Turkey, Mareykanka, Shiinaha, Jamhuuriyadda Czech, Brazil, Jarmalka, Serbia iyo Hindiya.

Sida uu qaliinkan u shaqeeyo?

Xilligii uu socdo qaliinka, xubnaha ayaanan la talaalin kaddib dumarka ma dareeman xanuun xilliga foosha.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Sidda ay kooxdan ka howlgala isbitaalka Galaxy Care sheegeen , lacagta ku baxaysa habkan ayaa gaaraysa 11 kun oo doolar.

Balse qaliinka lagu sameeyay ee loogu tallaalay makaanka Meenakshi Wayanad ayaa ah madkii ugu horreeyay ee lagu sameeyo dalka Hindiya wax lacagna kuma aysan bixin.

Sanad kaddib markii tallaalkan la sameeyey, dhakhaatiirta ayaa go’aansaday inay ku talaalan ugxaan.

Dalka Hindiya oo kaliya, ku dhawaad 600 oo dumar ah ayaa isu diwaangeliyay in lagu sameeyo.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in nidaamkan uu yahay “mid hormar weyn laga gaaray” balse uu ubaahanyahay in si aad ay u xakameeyaan dhakhaatiirta si taxatar lehna loogu howlgalo.

Waxa kaliye ee ay Meenakshi niyada ku hayso ayaa ah rajadii ay ka lahayd tillaabadan: “wax badan ayaan dhibaatooday, balse farxadayda hadda malahan wax lala barbar dhigo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this