Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Heshiiska Saddex Geesoodka Ah Ee Soomaaliya, Itoobiya Iyo Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan ugaga hadlay xidhiidhka cusub ee wadamada Soomaaliya,Ethiopia iyo Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay xidhiidhka dalalka Gobolka, Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uga dhiganyahay heshiiska saddex geesoodka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tobanaankii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya lagu hayay faragelin toos ah balse waxaa uu xusay in madaxda dhiggiisa uu kala hadlay in Soomaaliya laga daayo faragelinta, taasi oo keentay in la helo iskaashi balaaran oo dhex mara dalalka Geeska Afrika.

“Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxa uu ka dhacay Asmara, Eretriya, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan.

Warkan ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmay xilli maanta Golaha Ammaanka uu isku raacay in cunoqabataynta laga qaado dalka Eritrea.

Warbixinta Madaxweynaha

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyay xiriirka dalalka Gobolka, Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uga dhiganyahay heshiiska saddex geesoodka ah.

Posted by Villa Somalia on Wednesday, November 14, 2018

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this