Sign in to follow this  
Deeq A.

3 caqabad oo hor-taagan amniga Muqdisho (Dhibka ma ahan Shabaab kaliya)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhagar Qabaha yaa idhi ?
Dhalashaad wadaagaan ?
Yaa Masuul ka dhigay
Nink shilinka dhaafsaday
(Abwaan Laabsaalax)

Hordhac

Qormadan waxaan ku falanqayn doonaa Caqabadaha hortaagan  amniga magaalada muqdisho iyo isku dayada aan qorsheysnaan ee dawlada fadaralka soomaaliya ku rabto iney ku soo celiso amniga iyo xasiloonida magaalada muqdisho .

Inta aynu ku gudo jirno falanqaynta waxaan  soo qaadan doonaa caqabadaha hortaagan amniga magaalada muqdisho kuwaas oo ah kuwa ugu weyn ee curyaamiyay isku dayadii amniga ee xukuumadihii kala danbeeyay ee soo maray dalka soomaaliya .  Caqabadahaas waxaa ka mid ah :-

  1. Xarakada Alshabaab
  2. Hogaan-xumada iyo siyaasad xumada haysata hay,addaha amniga
  3. Wada-shaqeyn la,aan laamaha amniga iyo shacabka magaalada Muqdisho
  1. Xarakada Alshabaab

Xarakada Alshabaab ayaa ah Caqabada koowaad ee hortaagan amniga magaalad muqdisho waana Urur Diimeed ka dagaalama Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.  Alshabaab waa xooga kaliya ee halista iyo hagar-daamada ku haya guud ahaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka magaalada muqdisho, Waxay fuliyeen qaraxyo lagu hoobtoy iyo dilal qorshaysan oo lagu beegsanayo haldoorka iyo hormoodka shacabka soomaaliyeed. Inkasta oo ayna xoog muuqda ku lahayn gudaha gobolka banaadir laakiin waa xoog dahsoon oo ka jira gudaha magaalada. Fulinta qaraxyada iyo dilalku waa kuwo leh qorshe heer sare ah kuwaas oo ka kor maray qorshaha hay,addaha amniga ee dawlada fadaralka soomaliya . Waxay leeyihiin hawl wadeeno amni oo ka xirfad iyo qorshe sareeya kuwa u shaqeeya laamaha amniga ee dawlada fadaralka soomaaliya.

  1. Qorshe Xumadi haysata Hay,addaha sirdoonka

Caqabada labaad ee hortaagan amniga magaalada muqdisho ayaa ah fahan yari haysata madaxda dawlada ugu sareeya .                                                                                                             Madaxweynuhu wuxuu sameeyay wareegtooyin is xigxiga kuwaas oo ku saabsan amniga magaalada muqdisho sidoo kalana qaraxyada Alshabab ee dhacaa waxay galaaftaan saraakiil iyo madaxda amniga laakiin dhamaan isbadaladaasi oo dhami waxba kuma soo kordhin amniga magaalada muqdisho.

Sidoo kale hay,addaha amnigu waa kuwo aan u muuqan inay guteen hawlihii loo igmaday                                                                                                                                    Hay,adda Nabad Sugidu (NISA) waa hay,adda u qaabilsan dawlada fadaralka soomaaliya arimaha sirdoonka waana hay,add laga rabo inay raadiso xogaha ku saabsan arimaha amniga sidoo kale waxay tahay inay ka hortagto falalka amni daro ee abaabul ee wax lagu yeelaynayo amniga guud ee dalka laakiin taasi habayaraatee ma muuqato oo muqdisho  gudaheeda waxaaba kaga gacan sareeya  sirdoonka Alshabaab ( Amniyaad).                                                                        Qorshe xumada hay,addaha amnigu waxay horseeday  maamul daadajin la,aan laamaha amniga iyo isku dhacyada ciidamada qalabka sida  .

  1. Wada-shaqeyn la,aanta Hay,addaha Amniga iyo Bulshada

Caqabada Saddexaad ayaa ah wada-shaqayn la,aanta laamaha amniga iyo bulshada ee magaalada muqdisho . Wada shaqaynta bulshada iyo booliskuna wuxuu meesha ka baxay markii shacabku ay kalsoonida kala laabteen markii uu dhacay burburkii dawladii dhexe  Dawladihii is xigay midna kuma guulaysan soo celinta iyo soo nooleynta kalsoonida shacabka laakiin waxay xal moodeen abuurista qorshe amni oo ah kantaroolo lagu baadho wixii laga shikiyo .

W/Q: :Abdirahman Yakub Hassam
Security Analyzer
Jacobhassam@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this