Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Bin Salmaan oo sabab yaab leh uga codsaday Israel inay weerarto Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa isku dayeye inuu ka dhaadhiciyo ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Natenyahu inuu dagaal ku qaado magaalada Gaza ee Falastiin, si dareenka caalamaka looga weeciyo dilkii Sacuudiga ee Suxufi Jamaal Khaashuqji.

Sida ilo-wareedyo ay u sheegeen warbaahinta Middle East Eye, dagaal laga billaabo Gaza ayaa ka mid ahaa tallaabooyin dhowr ah oo Maxamed Bin Salmaan uu ku fakaray.

Bin Salmaan, ayaa sida wabixinta ay sheegtay, waxa uu kadib dilkii Khaashuqji sameeyey guddi la tacaala warbixinadii sirta ahaa ee sida xun u waxyeeleeyey sumcaddiisa, kuwaas oo Turkiga ay sii daynayeen maalmihii xigay dilka Khaashuqji.

Guddigan ayaa ka koobnaa saraakiil ka kala socota maxkamadaha, wasaaradaha arrimaha dibedda iyo difaaca iyo sirdoonka, waxayna la kulmayeen Bin Salmaan muddo lix saac ah, maalin kasta.

Waxaayibihii ay guddigan soo jeediyaan ayaa waxaa ka mid aha in dagaal lagu qaado Gaza ay dareenka Trump ka weecin lahayd kiiska Khaahuqji una wareejin lahayd kaalinta Sacuudiga ay ka cayaari karto xiriir muhiim ah oo lala yeesho Israel iyo nabadda Beriga Dhexe.

Waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in Maxamed Bin Salmaan uu si ay ahaataba u xaliyo Turkiga –  oo ay ku jirtay in lalauush la siiyo Erdogan sida in hubka Turkiga lasoo iibsado.

Sacuudiga iyo Turkiga ayaa dhowaanahan si hosoe xiriir wanaagsan u lahaa, waxaana ay wadaagaan naceybka ay labaduba u qabaan Iran. Bin Salmaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah qorshaha “heshiiska qarniga” ee Trump uu wado, kaasi oo magaalada Jerusalem ku wareejinaya Yahuudda.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this