Deeq A. Posted November 14, 2018 Odoyaal Qaxoontiga soomaalida dalka yaman oo UNHCR xidhay Kadib banaan bax ugu danbayntii ay isku hortaageen xafiiska wayn Ee UNHCR ay ku leedahay caasimada dalka ee sanca iyagoo wata qoraalo ay ku sheegayeen baahidooda iyo dhibaatooyinka oo kusii badanaya qaxootiga soomaalida dhibaatooyinkaa oo horseed koodu yahay dagaalka aadka u balaadhan ee sanidkii afraad galay Hadaba in kastoo qaxootiga soomaalidu uu aad uga yaraaday yaman iyagoo xoog ugu noqda dalka hooyo ee soomaaliya .. ayaa inta hadhay aad uga walwalsan yihiin dagaalka sii daba dheeraaday iyo dhibaatadoo sii badanaysa Odoyaasha ay UNHCR xidhay oo dhan toban ayaa ku xidhan saldhig boolis oon ka dheerayn xafiiska wayn Ee UNHCR.. Hadaba waxa layaaba maxaa lagu xidhay? Bahdilaada soomaalida haysata ayay kamid tahay in odoyaasha loo xidhay inay ku kaceen falkan aad sawirka ka arkaysaan Waxaan ugu tagay odayaasha laxidhay saldhiga booliska waxaanay ii sheegeen inaanay intaa sawirka idiinka muuqata wax kabadan aanay samayn sawirkana mid tilifoonadooda kamida ayaan kasoo qaatay Xuquuqal insaanka ay ka sheekeeyaan UN muxuuyahay.. !! ?? Ilaahay umma soomaaliyeed duliga hakasaaro Qaran News Share this post Link to post Share on other sites