Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo ka jawaabay go’aankii ay maanta gaareen Golaha Ammaanka QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay go’aankii maanta ay golaha ammaanka QM ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in dalka Eritrea laga qaado cunaqabateynta

Qoraal uu soo dhigay twitter, ayuu Farmaajo ku sheegay inay soo dhoweynayaan in xayiraaddii Eritrea lagu qaaday codsi ay Soomaaliya qeyb ka ahayd.

“Waxaan uga mahad-celinayaa Golaha Ammaanka QM farogelinta waqtigeeda kusoo aadday ee wax ku oolka ah. Gobolka Geeska Afrika wuxuu sameynayaa horumar ku aadan wada-shaqeyn iyo is-dhexgal dhaqaale” ayuu yiri Farmaajo.

Qaraarka cunaqabateynta looga qaaday Eritrea, ayaa waxaa soo diyaariyey dowladda Britain, waxaana taageerayey dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, inkasta oo aysan xubin ka ahayn glaha ammaanka, iyo Ethiopia.

Jabuuti oo Eritrea ay ka haysato dhul ayaa aad uga soo horjeeday in xayiraadda laga qaado.

Eritrea ayaa cunaqabateynta la saaray sanaddii 2009 markii lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya. Eritrea ayaaa dhowr mar beenisay eedeymahaas.

Qaraarka ayaa lagu sheegay in kooxda QM ee kormeerka xayiraadda hubka ee saaran ee Soomaaliya iyo Eritrea “Aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in Eritrea ay taageerto Al-Shabaab”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this