Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoon caan ah oo lagu dilay degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa degmadaasi, sida idaacadda Shabelle ay uxaqiijiyeen dadka degaanka.

Dilka marxuum Xuseen “Suuqa Xoolaha” ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay Askari inuu ka tirsan yahay ciidamada dowlad ee ku sugan degmadda, kaasi oo goobta uu dilka ku geystay isaga baxsaday.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka Oday dhaqameedka uu ugeystay Askariga ka tirsan ciidanka dowladda, kaasi oo ay masuuliyiintu sheegeen inay ku raadjoogaan.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan faalkan lagu khaarijiyay Nabadoonka, kaasi oo qayb ka ah dhacdooyinka nabad-gelyadda lidiga ku ah ee soo laab-laabtay.

The post Nabadoon caan ah oo lagu dilay degmada Afgooye appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this