Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Golaha Ammaanka QM oo go’aan ka gaaray cunaqabateyntii Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka QM ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey maanta in dalka Eritrea laga qaado cunaqabateynta kadib heshiis dhex maray dalkzas iyo Ethiopia, islamarkaana uu soo wanagsanaanayo xiriirka kala dhaxeeya Jabuuti.

Qaraarka cunaqabateynta looga qaaday Eritrea, ayaa ku booriyey ayaga iyo Jabuuti inay ka shaqeeyaan sidii ay caadi uga dhigi lahayeen xiriirkooda ayna heshiis uga gaari lahaayeen muranka dhanka xuduudda.

Eritrea ayaa cunaqabateynta la saaray sanaddii 2009 markii lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya. Eritrea ayaaa dhowr mar beenisay eedeymahaas.

Qaraarka ayaa lagu sheegay in kooxda QM ee kormeerka xayiraadda hubka ee saaran ee Soomaaliya iyo Eritrea “Aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in Eritrea ay taageerto Al-Shabaab”

Qaraarka ayaa waxaa soo diyaariyey dowladda Britain, waxaana taageerayey dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, inkasta oo aysan xubin ka ahayn glaha ammaanka, iyo Ethiopia.

Jabuuti oo Eritrea ay ka haysato dhul ayaa aad uga soo horjeeday in xayiraadda laga qaado.

Go’aanka xayiraadda looga qaaday Eritrea ayaa badankiis loo sababaynayaa xiriirka wanaagsanaaday ee dalkaas kala dhaxeeya Ethiopia.

Dowladda Mareykanka oo aad uga soo horjeeday in Eritrea laga qaado xayiraadda ayaa ka tanaasushay dhowr toddobaad ka hor, taasi oo dhabaha u xaartay go’aanka maanta.

Caasimada Online
Xafiiska New York
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this