Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijo:-Maxay Kusoo Dhmaatay Ciyaartii U Dhaxeeysay Dalalka Soomaaliya Iyo Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   
Xulalka 23-jiarada Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa wada dheelay kulankooda kowaad ee is reer reebka ciyaaraha olimikada aduunka ooo lagu qabandoono magaalada Tokoyo ee dalka Japan
 
Kulanka ayaa ku bilaawday dar daro xoogan waxaana qeybta hore lagu kala maray 2-0 oo ay hogaanka ku hayaan wiilasha dalka Ethopia waxaana goolasha u dhaliyay daqiiqadihii 28, 38-aad Canaan Israel eshetu.
3-300x225.png
 
Qeybta labaad kulanka xulkeena ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan farsamo,balse gool ku laad loo dhigay xidigaha Ethiopia ayay dhaliyeen waxaana caalamada casaanka ka qaatay mid ka mid ah ciyaaryahanadooda waxayna ciyaarta kusoo idlaatay 4-0 oo ay guusha ku qaatay wiilasha 23-jirada ee Ethiopia
c4dd535c-c1af-41da-9f98-4f46a5051535-1-3
 
“Waxaan taageerayaasheena ka raali gelinaynaa guul darada ina soo gaartay waxa aan soo bandhigay ciyaar wanaagsan,balse wixii qornaa ayaa dhacay waxaana xooga saaraynaa kulanka labaad ee aan Ethiopia kula ciyaarayno dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cabdulle Faryare oo macalinka xulka qaranka 23-jirada Soomaaliya.
IMG_6072BD-B8B658-AC9EFD-30D39C-0EFF1D-9
Si kastaba lugta labaad ayay labada wadan kuwada dheelidoonaa Khamiista soo aadan wadanka Jabuuti oo guri ahaan u ah xulkeena sanadihii laga soo gudbayna tartamo kala gedisan ku ciyaaray
Dhawaan Filo warbixin dheeraad ah iyo sawirro ku saabsan ciyaarta

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this