Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA Oo gacanta ku dhigtay Xubin ka tirsan Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay xubin ka tirsan kooxda Daacish, sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in qabashada sarkaalkan ka tirsan Daacish ay dhantaaleyso marinada dhaqaale ee ISIS, maadaama uu u qaabilsanaa kala gudbinta Dhaqaalaha.

“Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi Ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha, Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”.ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitterka NISA.

Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada dalka waxaa ka socda Howgalo ay wadaan Ciidamadda Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, iyagoona ku soo qabtay xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

The post NISA Oo gacanta ku dhigtay Xubin ka tirsan Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this