Deeq A. Posted November 14, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta cod Aqlabiyad leh ku Ansixiyay ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa qaraarka lagu Ansixinayay Miisaaniyaddani ka hor akhiriyay Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur oo xubin ah guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyada ee Golaha Shacabka. Intaasi ka dib Xildhibaanada ayaa Cod gacan taag ah u qaaday ku noqoshada Miisaanadda dowladda ee 2018-ka. 153 Xildhibaan ayaa ogolaaday, 2 xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 3 Mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya. Ugu dambeyn wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaabe Beyle oo goob joog ahaa kulanka Golaha Shacabka ayaa kaga mahadceliy meelmarinta ku noqoshada Miisaaniyadda 2018-ka. Sidoo kale wasiir Beyle ayaa xusay in uu diyaar u yahay in uu Golaha Shacabka la wadaago arrimaha ku aadan Maaliyadda dalka. Waa kulankii 25-aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. The post BFS Oo Ansixiyay ku noqoshada Miisaaniyadda 2018-ka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites