Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqsi ka tirsanaa Burcadbadeeda Soomaalida Oo lagu xiray dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

New York ( Sh. M. Network  )-Maxamed Tahliil oo ka mid ahaa Burcadbadeed Soomaali ah oo Afduubtay Wariye Michael Scott Moore oo ka soo jeeda Mareykanka ayaa lagu xiray magaaladda New York ee dalkaasi.

Maxamed Tahliil oo la sheegay in uu Mareykanka ku tagay qeybtii kaga soo aaday Lacag  madax furasho ah oo ay ka qaateen Burcadbadeedu Wariyahaasi ayaa la qabtay, kadib markii uu aaladda Facebooka kala xiriiray Wariye Moore oo muuq iyo magac ahaan uu garanayay, maadaama uu ka mid ahaa koox Burcadbadeed ah muddo 2 sano iyo bar ku heysatay meel u dhow magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Lahaystihii hore iyo eedeysane Maxamed Tahliil oo ahaa saaxibo aad ugu dhow ayaa la wadaagay sheeko ku saabsan taariikhdooda inta aan la xirin ka hor, waxaana uu u sheegay Maxamed Saaxibkiis Wariye Michael Scott Moore in inta badan dhexdoodu ay is dileen Burcadbadeedii ay saaxibada ahaayeen, kadib markii ay isku maan-dhaafeen qeybsashada Lacagtii Madax Furashada ay kaga qaateen Wariye Moore, taas o dhameyd 1.2 Million oo Dollarka Mareykanka ah.

Sidoo kale waxa uu la wadaagay Wariyaha Sawirradiisa iyo kuwii Saaxibiidiisi kale, balse ugu dambeyntii Maxamed Tahliil ayaa xasbiga la dhigay xilli aan la shaacin taariikh ahaan balse ku aadan bil ka hor.

Gaalkacyo ayaa ka mid aheyd Magaalooyinkii ay ku xooganaayeen Burcadbadeeda Soomaalida 10-kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo ka afduubtay Muwaadiniin shisheeye oo ay ka heleen Malaayiin Dollar oo Madax fuarsho ah.

The post Shaqsi ka tirsanaa Burcadbadeeda Soomaalida Oo lagu xiray dalka Mareykanka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this