Deeq A. Posted November 14, 2018 Jabuuti ( Sh. M. Network )-Sanataro ka tirsan Xildhibaanada Mareykanka ayaa dowladda Shiinaha uga digay in ay qabsato Dakedda Dorale ee Dalka Jabuuti. Sanataradani oo kala ah Marco Rubio iyo Chris Coons, kana kala tirsan Xisbiyada Jammuuriga iyo Demuqoraadiga ayaa warqad u diray wasiirka arriamha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo wasiirka gaanshaadhigga Jim Mattis, taas oo ay kaga dalbanayaan wasaaradahaasi in tallaabo milatari iyo mid siyaasadeed ay ka qaadaan xukuumadda Beijing, haddii ay isku daydo in ay la wareegto Dekedda Jabuuti. Sidoo kale Xidhibaanadani ayaa hoosta ka xariiiqay isbalaarinta gacansiga Shiinaha ee Africa ay tahay mid ka hor imaaneysa danaha Dhaqaale iyo tan Ammaanka ee Mareykanka, islamarkaana aysan u dul qaadan karin la wareegitaanka Dekeddaasi. Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan ruqsadii kala noqotay dalka Imaaraadka Carabta oo horay u maamulayay Dakedda Dorale ee dalkaasi ,islamarkana la sheegay in haatan Dekeddaasi ay lawareegi doonto Dowladda Shiinaha. Arrintani oo salka ku heysa dagaalka Ganacsiga ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha ayaa laga cabsi qabaa in xiisaddu ay isku bedasho mid Militari oo dhexmarta labada dal. The post Mareykanka iyo Shiinaha Oo isku haya Dekedda Jabuuti appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites